Find Posts By Topic

Hagayaasha macluumaadka ee ku saabsan COVID-19 iyo Qarashka Dawladu bixiso

English-version of this page here.

Xogta ku qoran boggaan maaha talo sharci. Taas badalkeed, dhammaan mawduucyada hoose waxaa loo bixiyay ujeedo xogeed oo guud kaliya. 

Image of a Coronavirus

Tani waa xogta si joogto ah  Su’aalaha Badanaa La iswaydiiyo oo ah tusmo loo sameeyay dadka soo galootiga ah ee doonaaya inay wax ka ogaadaan sida sharciga public charge (Qofka Dawladu Biisho) uu u saamayn karo awoodooda si ay u helaan daryeel caafimaad iyo adeegyada kale inta lagu jiro faafida cudurka COVID-19. Xafiiska Soo galootiga iyo Arimaha Qaxootiga ayaa sii wadaaya inuu xog cusub ku baxsho bartaan marka xog soo korarto. 

Waxaan si gaar ah ugu mahad naqaynaa El Comite iyo Northwest Immigrant Rights Project (Mashruuca Xaquuqda Soo galootiga ee Waqooyi Galbeedka) siday nooga caawiyeen aruurinta xogtaan.


U bood su’aasha:

  1. Waxaan ka shakisanahay inaan qabo caabuqa COVID-19, maxay tahay inaan sameeyo?
  2. Isbitaalada iyo xarumaha caafimaadku ma la wadaagayaan muwaadinimada ama aqoonsiga soo galootinimo ee qofka U.S. Laanta Booliiska ee Socdaalka iyo Kastanada?
  3. In la iga baaro COVID-19 ama aan helo daryeel deeq ah ama daryeel qiimo jaban oo aan ka helno isbitaalka ama xarunta caafimaadka khatar ma ku tahay awoodayda codsashada kaarka cagaaran ama muwaadinimo sida ku cad xeerarak cusub ee dadka dawladu biisho?
  4. Waa maxay xarumaha caafimaadka ee deegaanka ama isbitaalada bixiya daryeelka sadaqada ah ama qiimo jaban oo aan daryeel u raadsan karo?
  5. Waxaan ahay qof aan sharci haysan waxaana dhaqaale ahaan i saameeyay cudurka aafada ah ee COVID-19. Waa maxay barnaamijyada iyo adeegyada aan codsan karo aana heli karo anoon muujin dukumiintigayga?
  6. Waxaan hadda noqday shaqo la’aan sabab la xariirta aafada cudurka. Maan u qalmaa caymiska dadka shaqo la’aanta ah?
  7. Inaan qaato gunooyinka shaqo la’aantu khatar ma ku tahay awooda aan u leeyahay codsashada kaarka cagaaran ama muwaadinimada sida ku cad xeerarka cusub ee dadka dawladu biisho?
  8. Waan aadi waayay shaqo sababtoo ah waan jiranahay ama xubin qoyskayga ka mid ah ayaa jiran ma u baahan inuu isbitaalka aado. Maan u qalmaa Waqtiga Fasaxa Qofka Xanuunsan iyo Badbaadada ee Mushaarka lagu Qaato (PSST)?
  9. Waan aadi waayay shaqo sababtoo ah waan jiranahay, ama waxaan daryeelayaa qof xanuunsan. Miyaan u qalmaa Fasaxa Mushaarka lagu baxsho ee Qoyska iyo Sababta Caafimaadka ee Gobalka Washington?
  10. Ka waran haddii aan ku jiro khatar ah in shaqada layga cayriyo ama aan iskaga tago sabab la xariirta inaan anigu jiranahay ama qof ehelkayga ah jiran yahay?
  11. Waxaan ahay mulkiilaha ganacsi yar waxaana waajahayaa hoos u dhac dhanka ganacsiga ah sabab la xariirta aafada cudurka. Maa u qalmaa caawimaad dhaqaale?
  12. Ka codsiga Deeqda Xasilinta Ganacsiyada Yaryar ee Magaalada Seattle ama Daynta Masiibada Maamulka Ganacsiyada Yaryar ee Federaalka) khatar ma ku tahay awooda aan u leeyahay inaan codsado kaarka cagaaran ama muwaadinimo sida ku cad xeerarka dadka dawladu biisho ee cusub?
  13. Ilaha xogta dheeraadka ah:

 

1. Waxaan ka shakisanahay inaan qabo caabuqa COVID-19, maxay tahay inaan sameeyo?

Haddii aad qabto wax astaamo ah oo la xariira cudurka COVID-19 ama su’aalo, waxaad wici kartaa:

  • Xaruunta King County Nooval Koronovirus, (206) 477-3977. Khadkaan wuxuu furan yahay laga bilaabo 8 da subaxnimo ilaa 7 da habeenimo maalin walbe.
  • Xaruunta Washington Nooval Koronovirus, (800) 525-0127. Khadkaan wuxuu furan yahay laga bilaabo 6 da subaxnimo ilaa 10 ka habeenimo maalin walbe.

Hawl wadeenaha ka hawlgala khadka cawinta waxay awoodaan inay kugu xiriiriyaan turjubaan. Dadka soo wacayo waa inay sheegi karaan luqada ay u baahan yihiin. Ugu dambeyntana, Dadka soo wacayo waxay la kulmi karaan waqti dheer oo sugitaan badan leh.

Wixii macluumaad dheeraad ah, tag Public Health – Seattle & King County.

 

2. Isbitaalada iyo xarumaha caafimaadku ma la wadaagayaan muwaadinimada ama aqoonsiga soo galootinimo ee qofka U.S.  Laanta Booliiska ee Socdaalka iyo Kastanada?

Maya. Sharciga federalka ee loo yaqaano Hufnaanta iyo Xamilida Caymniska Caafimaaadka ayaa si guud u mamnuucaya adeegsiga ama shaacinta xogta bukaanka asagoo bukaanku bixin oggolaansho. Waxaa intaas dheer, dhakhaatiirta sharciyan qasab kuma ahan inay u sheegaan ciidanka socdaalka ee federaalka xogta aqoonsiga soo galootinimo ee bukaanka. 

 

3. In la iga baaro COVID-19 ama aan helo daryeel deeq ah ama daryeel qiimo jaban oo aan ka helno isbitaalka ama xarunta caafimaadka khatar ma ku tahay awoodayda codsashada kaarka cagaaran ama muwaadinimo sida ku cad xeerarak cusub ee dadka dawladu biisho?

Maya. In lagaa baaro cudurka COVID-19 iyo helitaanka daryeel caafimaad oo sadaqo ah ama qiimo jaban wax saamayn ah kuma lahaan doonto awoodaada codsashada kaarka cagaaran ama muwaadinimada. Barnaamijyada daryeelka caafimaadka maxaliga ah ee qiimaha jaban kuma jiraan adeegyada dadka dawladu biisho sida ku cad xeerka cusub ee dadka dawladu biisho. U.S. Adeegyada Muwaadinimda iyo Socdaalka ee Maraykanka) ayaa soo saaray hadalkaan ayagoo cadaynaaya in “adeegyada daawaynta ama ka hortaga cudurka” ee la xariira aafada COVID-19 aan lagu xisaabinayn sharciga dadka dawladu biisho.

Xeerka dadka dawladu biisho wuxuu u aqoonsan yahay kaliya adeegsiga noocyada soo socda ee caawimaada dawlada iyo qiimayntiisa:

  • Gunooyinka lagu bixiyay hantida federalka iyo tan gobalka ee lacagta kaashka ah sida Dakhliga Kaalmaatiga ah, Caawimaada Ku meel Gaarka ah ee Qoysaska Baahan iyo Caawimaada guud ee Dadka Aan Shaqayn karin. 
  • Daryeelka xarunta lagu bixiyo ee mudada dheer oo dawladu qarash garayso, sida hooyga kalkaalinta ama xarunta caafimaadka dhimirka ee ay qarash kiisa bixiso Medicaid.
  •  Barnaamijka Caawimaada Nafaqada ee Kaabida ah, oo caadiyan looyaqaano “ (cuntada bilaashka ah)”.
  • Guriyaynta dawladu kaalmayso sida: a) caawimaada dawlada federaalka ee guryaha kirada ah, b) kaararka lacagta guryaynta ee qaybta 8, c) guryaha lagu maal galiyo qaabka mashruuca ah ee Qaybta 8.

Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saasab sharciga dadka dawladu biisho, booqo: seattle.gov/OIRA/publiccharge.

 

4. Waa maxay xarumaha caafimaadka ee deegaanka ama isbitaalada bixiya daryeelka sadaqada ah ama qiimo jaban oo aan daryeel u raadsan karo?

Laga bilaabo Maarso 5, Gudoomiyaha Caymiska ee Gobalka Washington) ayaa ku dhawaaqay inay hadda ka doonayaan shirkadaha caymiska inay meesha ka saaraan qaybta laga qaado macaamiisha ee caymiska iyo lacagaha caymiska looga jarto ee la xariira baaritaanka cudurka COVID-19.

Sidoo kale, Maamulka Caafimaadka ee Gobalka Washington) ayaa hadda u fasaxaaya dadka waawayn ee aan haysan sharciga inay codsadaan Kaarka Caafimaadka Degdega ah ee Qaxootiga haddii ay u baahdaan baaritaanka cudurka COVID-19 . Shaqsiyaadku waxay ka codsan karaan barta oonleenka ah oo ah www.washingtonconnection.org ama waxay buuxin karaan Application for Long-Term Care/Aged, Blind, Disabled Coverage (Codsiga Caymiska Daryeelka Muddada Dheer/Duqoowda, Indhoolka, Nafada) (HCA 18-005). Codsigaan waxaa lagasoo dagsan karaa webseetka Maamulka Daryeelka Caafimaadka. Haddii aad qabto su’aalo, waxaad wici kartaa HCA ood ka wacayso 1-800-562-3022 kadibna codso turjumaan.

Isbahaysiga Helitanka Daryeelka Caafimaadka ee Washington ayaad ka helaysaan liiskaan si bilaash ah iyo xarumaha daryeelka sadaqada ah ee ku yaala gobalka Washington, oo la iskugu aadiyay degmo ahaan: wahealthcareaccessalliance.org/free-clinics.

Xarumaha hoose ee caafimaadku waxay ka shaqeeyaan aaga Seattle waxayna bixiyaan barnaamijyada daryeelka oo qiimo jaban.

 

5. Waxaan ahay qof aan sharci haysan waxaana dhaqaale ahaan i saameeyay cudurka aafada ah ee COVID-19. Waa maxay barnaamijyada iyo adeegyada aan codsan karo aana heli karo anoon muujin dukumiintigayga?

  • Dadka guryaha looga saaro sababo la xariira inaysan bixin kirada ayaa si ku meel gaar ah loo joojinayaa gudaha magaalada Seattle. Amarkaan ayaa hadda dhaqan galaaya wuxuuna soconayaa 30 maalmood ama ilaa xaalada degdega ah ee uu Seattle ka abuuray COVID-19 ay dhammaato. 
  • Adeegyada guriga lama jari doono inta uu socdo cudurkaan. Adeegyada Guriga ee Dadwaynaha Seattle, Seattle City Light (SCL), iyo Puget Sound Energy (PSE) ayaa sii wadaaya adeegyada guriga inta lagu jiro xaalada degdega ah ee cudurka COVID-19 gudaha Seattle. Macaamiisha SPU iyo SCL uu dhaqaale ahaan saameeyay cudurka COVID-19, ayadoon laga eegayn xaaladooda ama aqoonsigooda soo galootinimo, ayaa codsan kara qorshaha qarash bixinta ee gaarka ah kaasoo ay ku jiraan in laga dhaafo qarashka ganaaxa lasoo daahista lacag bixinta. SPU iyo SCL waxay ku talinayaan in macaamiishu ay wacaan sida ugu dhakhsaha badan (206) 684-3000 ama ay iimeel u diraan waqtigay doonaan ciwaanka seattle.gov/utilities/about-us/email-question. PSE waxay dhaafaysaa qarashka ganaaxa lasoo daahida lacagta ee macaamiisha kuwaasoo laga heli kara xog dheeraad ah PSE’s COVID-19 Bogga ka Jawaabida cudurka.
  • Barnaamijka Qiimo Dhimista Adeegyada Guriga ayaa yaraynaaya qarashaadka Seattle City Light boqolkiiba 60  halka uu yaranaynaayo biilalka Seattle Public Utility boqolkiiba 50. Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku aadan iska diiwaan galinta UDP, wac (206) 684-0268 ama booqo: seattle.gov/humanservices/services-and-programs/affordability-and-livability/utility-discount-program.
  • Magaalada Seattle waxay biloowday COVID-19: Bogga Ilaha Xogta Bulshada ee Cudurka Kaasoo maalin kasta wax cusub lagusoo kordhiyo. Waxaa ku jira xog iyo lifaaqyada barnaamijyada Magaalada Seattle iyo adeegyada caawimaad siin kara dadka deegaanka gaar ahaana dadka uu saameeyay aafada cudurka COVID-19. Qaar badan oo ilahaan bulshada ah uma baahna inaad shaaciso xogtaada muwaadinimada ama soo galootinimada. Fadlan booqo: seattle.gov/covid-19 ama wac (206) 684-2489 ama (206) 684-CITY si aad u hesho xog dheeraad ah. Turjumaad ayaa la helayaa. Laynka caawimaada ayaa furan laga bilaabo Isniinta ilaa Jamcada, 8:30 AM – 5:00 PM.
  • Haay’ada Deeqda Waxbarashada Qoyska ee Betancourt Macias), Taasoo ay aasaaseen ayna hogaanshaan saddex haween ah oon sharci lahayn kana soo jeeda bulshooyinka aan cadaanka ahayn ayaa wax ka badalaysa xaashidaan: Ilaha Xogta Cudurka COVID-19 ee Bulshooyinka aan Sharciga Haysan, kuwaasoo ay ku jiraan ilaha xogta heer qaran iyo kuwa maxaliga ah.

 

6. Waxaan hadda noqday shaqo la’aan sabab la xariirta aafada cudurka. Maan u qalmaa caymiska dadka shaqo la’aanta ah?

Waxay ku xiran tahay xaalada jirta. Waaxda Amaanka Shaqada ee Gobalka Washington ayaa maamusho barnaamijyo loo sameeyay in lagu caawiyo shaqaalaha uu saameeyay cudurka aafada ah ee COVID-19, ayna ku jiraan gunooyinka shaqo la’aanta. Waxaa lagaa rabaa inaad wadato nambarka social security oo aan dhicin si aad u codsato. 

ESD ayaa sidoo kale leh tusmada isbabac dhiga oo ay fududahay in la akhriyo ayna ku jiraan qaar kamid ah sababaha ugu badan ee imaan kara iyo gunooyinka la heli karo. Waxaad halkaan ka helaysaa xog badan oo loogu talagalay shaqaalaha iyo ganacsiyada: esd.wa.gov/newsroom/covid-19

 

7. Inaan qaato gunooyinka shaqo la’aantu khatar ma ku tahay awooda aan u leeyahay codsashada kaarka cagaaran ama muwaadinimada sida ku cad xeerarka cusub ee dadka dawladu biisho? 

Maya. Adeegyada Muwaadinimada iyo Soo galootiga ee Maraykanka ayaa si gaar ah u sheegtay in caymiska shaqo la’aanta ee la siiyo qof soo galooti ah oo shaqeeya aan lagu darayn xisaabta go’aaminta in qofku yahay mid ay dawladu biisho. Gobalka Washington ayaa maamula barnaamijka gunooyinka shaqo la’aanta, kaasoo badanaa lagu maal galiyo haayado maxali ah. 

Waxaad halkaan ka helaysaa xog badan oo loogu talagalay shaqaalaha: esd.wa.gov/newsroom/covid-19

 

8. Waan aadi waayay shaqo sababtoo ah waan jiranahay ama xubin qoyskayga ka mid ah ayaa jiran ma u baahan inuu isbitaalka aado. Maan u qalmaa Waqtiga Fasaxa Qofka Xanuunsan iyo Badbaadada ee Mushaarka lagu Qaato (PSST)?

Waxay ku xiran tahay xaalada jirta. Sharciyada fasaxa dadka jiran iyo badqabka ee mushaarka lagu qaato ee labada Seattle iyo Washington waxay ka doonayaan shirkadaha loo shaqeeyo inay shaqaalaha siiyaan fasax ay mushaar ku helayaan si ay ugu daryeelaan naftooda ama qof ehelkooda ah oo xanuunsan, ilmaha iskuulka dhigta, ama goobta daryeelka ilmaha la xiro sabab dhanka caafimaadka ah awgeed, sida COVID-19.   

Sharciga PSST ee Seattle wuxuu quseeyaa dhammaan shaqaalaha ka shaqeeya Seattle, ayadoo laga eegayn muwaadinimadooda ama aqoonsigooda soo galootinimo. The Seattle Office of Labor Standards (OLS, Xafiiska Shaqaalaha ee Seattle) ayaa kormeeraaya sharcigaan wuxuuna baarayaa xad gudub kasta oo ka dhan ah sharciga. Halkaan dhagsii si aad cabasho oonleen ah u gudbiso aadna xog dheeraad ah uga hesho ilaha xogta ee shaqaalaha OLS. Si aad u hesho xog dheerad ah oo ku aadan Xeerka PSST ee Seattle, fadlan wac Seattle Office of Labor Standards (Xafiiska Seattle ee Heerarka Shaqaalaha) (206) 256-5297, OLS wuxuu bixiyaa turjumaada luuqada oo bilaash ah. 

Sharciga PSST ee Gobalka Washington wuxuu quseeyaa shaqaalaha saacadlayaasha ah ee ka shaqeeya Seattle, ayadoo laga eegayn aqoonsigooda soo galootinimo. Waaxda Gobalka Washington ee Shaqaalaha iyo Ganacsiga ayaa sharcigaan korjoogtaysa. Wixii xog dheeraad ah, booqo lni.wa.gov.

 

9. Waan aadi waayay shaqo sababtoo ah waan jiranahay, ama waxaan daryeelayaa qof xanuunsan. Miyaan u qalmaa Fasaxa Mushaarka lagu baxsho ee Qoyska iyo Sababta Caafimaadka ee Gobalka Washington?

Waxay ku xiran tahay xaalada jirta. Shaqaalaha umula, ama daryeela ama korinaaya ilmo, ama u baahan waqti fasax si ay u daryeelaan naftooda ama qof kale ayaa awooda inay codsadaan gunooyinka Waaxda Amaanka Shaqada ee Gobalka Washington ayaa kormeerta sharcigaan. Lagaama doonaayo inaad keento nambarka social security oo aan dhicin si aad u codsato. Hase yeeshee, waxay u badan tahay inaadan sidoo kale degdeg ku heli doonin caawimaad dhaqaale isla markaba. 

Dhakhtarka daryeelka caafimaadku waa inuu xaqiijiya inaadan awoodin inaad shaqayso sabab la xariirta “xaalad caafimaad oo daran.” Karantiilku maaha xaalad u qalanta barnaamijkaan. Laakiin qof uu qabo COVID-19 uuna heli karo cadayn caafimaad, wuu codsan karaa barnaamijka. Haddii adigga ama xubin qoyskaaga ah uusan awoodin inuu aado dhakhtarka, Employment Security Department waxay aqbali doontaa cadaynta xogta caafimaadka ee oonleenka lagusoo gudbiyo ee uu soo diro dhakhtarkaagu. Magaalada Seattle waxay hadda ka shaqaynaysaa go’aaminta haddii ESD ay aqbalayso natiijada muujinaysa in qofku qabo COVID-19 ayadoon cadayn laga raadin dhakhtarkiisa. Fadlan halkaan kala soco wixii soo kordha. 

ESD ayaa sidoo kale diyaarisay laba FAQ oo loo sameeyay shaqaalaha oo la xariira COVID-19: midkaan ayaa ah tusmada isbarbar dhiga oo ay fududahay in la akhriyo ayna ku jiraan qaar kamid ah sababaha ugu badan ee imaan kara iyo gunooyinka la heli karo.  Midkaan ayaa ah FAQ badanaa iska caadi ah. Waxaad halkaan ka helaysaa xog dheeraad ah: paidleave.wa.gov

 

10. Ka waran haddii aan ku jiro khatar ah in shaqada layga cayriyo ama aan iskaga tago sabab la xariirta inaan anigu jiranahay ama qof ehelkayga ah jiran yahay?

Waxaad codsan kartaa wax loo yaqaano (Cakirnaan) oo aad ka helayso shirkada aad u shaqayso waxaadna heli kartaa gunooyinka shaqo la’aanta muddo kooban.  (Cakirnaan)  waa eray ka dhigan inaad si ku meel gaar ah shaqo la’aan u tahay sabab la xariirta shaqo la’aan, laakiin aad filayso inaad ku laabato shaqada shirkadii aad u shaqaynaysay afar asbuuc gudahood ama aad filayso inaad biloowdo shaqo buuxda oo aad ka hesho shirkad cusub laba asbuuc gudahood ama aad si ku meel gaar ah shaqo la’aan u tahay sabab la xariirta masiibo dabiici ah. Waaxda Amaanka Shaqada ee Gobalka Washington ayaa maamusho barnaamijyo loo sameeyay in lagu caawiyo shaqaalaha uu saameeyay cudurka aafada ah ee COVID-19, ayna ku jiraan gunooyinka shaqo la’aanta. Waxaa lagaa rabaa inaad wadato nambarka social security oo aan dhicin si aad u codsato.

Maareeye kiis oo ka socda ESD ayaa go’aamiya u qalmida: esd.wa.gov/newsroom/covid-19.

 

11. Waxaan ahay mulkiilaha ganacsi yar waxaana waajahayaa hoos u dhac dhanka ganacsiga ah sabab la xariirta aafada cudurka. Maa u qalmaa caawimaad dhaqaale?

  • Ayadoo degdeg loo dhaqan galinaayo, Magaalada Seattle Waaxda Dhaqaalaha iyo Adeegyada Maamulka ayaa joojinaaya aruurinta canshuurta ganacsiga iyo shaqada (B&O) oo laga qaadi jiray ganacsiyada hela dakhliga canshuurta laga jaro ee $5 milyan ama ka yar bixiyana canshuurta magaalada rubuc sanadkiiba. Arintaani waxay u sahlaysaa mulkiilayaasha ganacsiyada yaryar fursad dheeraad ah inta lagu jiro muddada xaalad xun ee dhaqaale ay ku jiraan ee ka dhashay aafada cudurka COVID-19. Canshuurtaan waxaa heli kara dhammaan mulkiilayaasha ganacsiyada yaryar ayadoon laga eegayn muwaadinimadooda ama xaaladooda soo galootinimo. Haddii aad qabto su’aalo, fadlan wac (206) 684-8484 ama iimeel u dir: tax@seattle.gov.
  • Maaliyad ayay heli karaan Sanduuqa Xasilinta Ganacsiyada Yaryar ee Magaalada Seattle, oo ah sanduuq xaalada degdega ah oo lacagaha ay ku shaqaystaan oo deeq oo dhan $10,000 siiya ganacsiyada yaryar ee u qalma. Canshuurtaan waxaa heli kara dhammaan mulkiilayaasha ganacsiyada yaryar ayadoon laga eegayn muwaadinimadooda ama xaaladooda soo galootinimo. Sharuuda u qalmida iyo sida aad u codsanayso halkaan ayaad ka helaysaa: seattle.gov/office-of-economic-development/small-business/small-business-programs-/stabilization-fund-.
  • Waaxda Amaanka Shaqada ee Gobalka Washington ayaa leh barnaamijyo loo sameeyay in lagu caawiyo shirkadaha loo shaqeeyo ee uu saameeyay cudurka aafada ah ee COVID-19. Waxay leedahay tusmada isbabac dhiga oo ay fududahay in la akhriyo ayna ku jiraan qaar kamid ah sababaha ugu badan ee imaan kara iyo gunooyinka la heli karo. Waxaad halkaan ka helaysaa xog badan oo loogu talagalay shaqaalaha iyo ganacsiyada: esd.wa.gov/newsroom/covid-19.
  • Magaalada Seattle waxay biloowday COVID-19:Bogga Ilaha Xogta Bulshada ee Cudurka.Waxaa ku jira qayb kamid ah Taageerada Ganacsiyada Yaryar/Khayriga ah oo maalin kasta xog lagu biiriyo. Qaar badan oo ilahaan bulshada ah uma baahna inaad shaaciso xogtaada muwaadinimada ama soo galootinimada. Fadlan booqo: seattle.gov/covid-19 ama wac (206) 684-2489 ama (206) 684-CITY si aad u hesho xog dheeraad ah. Turjumaad ayaa la helayaa. Laynka caawimaada ayaa furan laga bilaabo Isniinta ilaa Jamcada, 8:30 AM – 5:00 PM.
  • Caawimad dheeraad ah ayaa soo socota. Duqa Magaalada Seattle Jenny Durkan ayaa abuuray Small Business Recovery Task Force (Gudigga Soo Kabashada Gancsiyada Yaryar), kuwaasoo bixin doona talooyinka soo jeedinta siyaasada muddada fog bixina doona caawimaaad farsamo iyo isku xirka ganacsiyada yaryar ee ay saamaysay aafadaan.

 

12. Ka codsiga Deeqda Xasilinta Ganacsiyada Yaryar ee Magaalada Seattle ama Daynta Masiibada Maamulka Ganacsiyada Yaryar ee Federaalka) khatar ma ku tahay awooda aan u leeyahay inaan codsado kaarka cagaaran ama muwaadinimo sida ku cad xeerarka dadka dawladu biisho ee cusub?

Maya. Inaad codsato laguuma ogolaado Deeqda Xasilinta Ganacsiyada Yaryar ee Magaalada Seattle  ama Daynta Masiibada Maamulka Ganacsiyada Yaryar ee Federaalka khatar kuma noqon doonto awooda aad u leedahay inaad codsato kaarka cagaaran ama muwaadinimo. Waa deeq maxali ah oo heer magaalo ah. Barnaamijyada maxaliga ahna kuma jiraan adeegyada dadka dawladu biisho sida ku cad xeerka cusub ee dadka dawladu biisho. Federal Small Business Administration Disaster Loan waxaa loo arkaa gurmadka masiibada. Barnaamijyada gurmadka masiibadu kuma jiraan xeerka dadka dawladu biisho. Fadlan ka fiiri Su’aasha 3 si aad u hesho liiska barnaamijyada gunooyinka dadwaynaha ee ku jira xeerka cudub ee sharciga dadka dawladu biisho.

 

13. Ilaha xogta dheeraadka ah:

Fadlan iimeel u dir Joaquin Uy ood ugu dirayso joaquin.uy@seattle.gov wixii su’aalo dheeraad ah.